U.S oo Ukrain u direysa Gargaar Dhan 60B

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta ku dhawaaqey in Dowlada mareykanka siin doonto ukrain lacag dhan 60 Bilyan si loogu taageero arimaha Milatariga hubka iyo saanada ciidanka ukrain. Golayaasha Qaranka Mareykanka ayaa la horgeeyaya lacag ka badan 95 Bilyan oo gargaar loo siinayo sadexda wadan ee kala ah Ukrain, Taiwan iyo Israil lacagtan ayaa ku bixi doonta arimaha Milatariga Hubka iyo Saanada Ciidamada wadamadaas.https://www.somalipen.com/

Ciidamada Ukrain ayaa dagaal faraha looga gubtey kula jira Dowlada Ruushka oo haysata awood badan dhaqaale badan iyo nuclear , Ciidamada Ruushka ayaa qabsadey Dhulka Bariga Ukrain oo ay degaan dadka asalkooda ka soo jeedo Ruushka. Taasi oo muujineysa sida aanay iskugu dheeli tirnayn Awoodaha ku dagaalamaya Ukrain, inkastoo wadamada Reer Galbeedka ay caawinayaan Ciidamada Ukarin Hadana waxaa muuqata in laga awood badiyay.

Maalinimadii Jimcaha ciidamada Ukrain ayaa isaga baxay Magaalada istiraajiiga ah ee Avdiika kadib markii ay u adkeysan waayeen Duqeymaha Xoogan ee ciidamada Ruushku ka wadaan magaaladaas,isla markaana ciidamada ukrain ayaa gabaabsi ka noqotey Saanada iyo Hubka Ciidanka labadaba Taasi oo ku kaliftey inay isaga huleelaan magaaladaasi. kadibna ciidamada Ruushka ayaa qabsadey markiiba calankoodana ka taagtey.https://www.bbc.com/somali/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *