Dhameystirka Dastuurka JFS

Fadhigii Baarlamaanka Jmahuuriyada Soomaaliya ee maanta ayaa lagu ansixiyay Qodobada Cutubka 4aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyada soomaaliyeed kaasi oo waxkabedel lagu sameeyay islamarkaana laga doodayay maalmahanba xarunta Baarlamaanka Soomaaliyereed.

Fadhigii manta ayaa ka duwanaa Fadhiyadii hore ee baarlamaanka soomaaliyeed ,kaasi oo laga dheehan karaayay sida uu xasaasiga u yahay arimaha laga doodayay , waxaa soo xaadirey 254 mudane oo ka kala tirsan labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya , waxaa isla goobta ka hadley gudoomiye Aaadan Madoobe oo ku nuuxnuuxsadey sida ay muhiim u tahay dhameystirka Dasruurka qaranka soomaaliyeed .

Nuxurka qodobada la bedelay ayaa ugu muhiimsanaa Da,da Rasmiga ah ee Qaangaarka dadka Soomaaliyeed oo laga Dhigey 15 sanadood halka uu markii hore ka ahaa 18 sanadood , waxaa kale oo wax laga bedelay Habka Dowladnimada Jamhuuriyada Soomaaliyeed oo laga dhigey Madaxweyne iyo Reysal wasaare la soo magacaabayo isla markaana Madaxweynuhu uu ceyrin karo haddii ay wada shaqeyn kari waayaan arintan oo xasaasi aheyd marka laga eego qaabka ay noqon doonto Dowladnimada Soomaaliyeed.https://www.bbc.com/somali

Waxaa isla markiiba la bilaabay codeynta Mudanayaasha Baarlamaanka soomaaliyeed waxaana cod aqlabiyad ah gacanta u taagey 212 mudane ,waxaana sidaas ku dhaqan gelaaya Cutubka 4aad ee wax ka bedelka loo sameeyay waxaana jira cutubyo kale oo loo ballansan yahay Maalmaha soo socda si loo dhameystiro Dastuurka Qaranka .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Shiikh ayaa ballan ku qaadey inuu Dhameystiri doono Dastuurka Qaranka isagoo carabka ku adkeeyay inuu doorashada ku galey inuu dhameystiro Dastuurka .https://www.somalipen.com/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *