Somalia oo xirtey Qunsuliyadihii Ethiopia

Fadhigii Golaha wasiirada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee maanta oo khamiis ah ayaa waxaa laga soo saarey Go,aano lagu xidhaayo Dhamaan Qunsuliyadaha Ethiopia ku leedahaya Gudaha Wadanka Soomaaliya, iyadoo loo qabtey mudo 72 saacadood ah inuu wadanka kaga baxo Safiirka Ethiopia u fadhiya Muqdisho , Qunsuliyadaha la amrey in la xidho waxaa kala yihiin Qunsuliyada Hargeysa iyo Garoowe kuwaas oo lagu amrey inat wadanka isaga baxaan.

Khilaafka kala dhexeeya Dowlada Soomaaliya iyo Ethipia ayaa sii xumaadey kadib markii magaalada addis ababa lagu soo dhaweeyay wasiirka arimaha Dibada ee Puntland Somalia, wasiirka ayaa u booqdey addis ababa arimo ku saabsan sidii ethipia u isticmaali laheyd dekedaha Puntland loona samey lahaa xidhiidho waaweyn .https://www.voasomali.com/

isla maanta Maamulka Puntland Somalia ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyay Hadalka ka soo yeedhay Xukuumada dowlada Soomaaliya ,waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Garoowe lagu sheegay inaanay waxba kala dhaxeynin dowlada federaalka soomaaliya isla markaana Puntland ay u madax banaan tahay Dhulkeeda iyo arimeheeda labadaba .

khilaafka Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa markii ugu horeysey ka kacay isafgaradkii somaliland iyo Ethiopia ku dhex maray Magaalada Addis ababa kaasi oo dhigaayay inay Dowlada Ethiopia ku helayso saldhig Milatari oo ay ku yeelato badda Cas arintaasi waxaa ka biyo diidey Masuuliyiinta Xukuumada Dowlada Soomaaliya oo ku sheegay inay baalmarsan tahay qawaaniinta Caalamiga ah laguna Xadgudbaayo Qaranimada Soomaaliya.https://www.somalipen.com/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *