Israel oo ka jawaabi doonta Weerarkii Iiran

Dowlada Israel ayaa ku adkaysatey inay jawaab ka bixin doonto Weerarkii ay Iiran ku soo qaadey Israel , Khasaraha weerarkaasi ayaa aad u yaraa sida laga soo xigtey warbaahinta Dowlada Israel, waxaana wararku tibaaxeen in gantaalihii iyo Droneskii ay Iiran ku soo weerartey badankooda la soo ridey ka hor intaaney soo gaadhin Bartilmaameedyaddii loogu talo galey ee gudaha magaalooyinka waaweyn ee Israel.

Mareykanka iyo wadamada Reer Galbeedka ayaa ugu baaqey in israel dejiso Xaalada isla markaana aanay qaadin weerar rogaal celin ah oo ay ku qaado wadanka Iiran .https://www.voasomali.com/

Taliyaha Guud ee ciidamada Israel General Hersi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay Dowladiisu go,aansatey inay qaadaan talaabo ay kagaaargudaneyso Weerarkii ay Iiran ku soo qaadey isla markaana ay bixin doonaan jawaab aan la mahadin,

inkastoo weerarkaasi waxyeeladiisu yareyd , hadana dowlada Iiran waxay sheegtey inuu jawaab u ahaa Weerar kan kasii horeeyay oo israel ku burburisey Safaardoodii Dimishiq isla markaana ku dishey Saraakiil sarsare oo ka tirsan Ilaalada kacaanka Iiraan,https://www.somalipen.com/

Dowladaha Caalamka ayaa ka cabsi qaba haddii uu sii socdo weeraradani ay ka dhalan karto xasilooni daro sababta inuu bilaabmo Dagaalkii Sadexaad ee aduunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *