Russia oo Ciidamo u direysa Africa

Dowlada Russia ayaa ku dhawaaqdey inay ciidamo u direyso Wadamada Galbeedka Africa Ciidamadan ayaa bedeli doona ciidamo hore u joogey wadamadaas qaar ka mid ah sida Burkino Faso iyo Mali waxaanay ka hawl geli doonaan Saldhigyadii ay ka hawl geli jireen ciidamada Wegner Group.https://www.somalipen.com/

Geeridii ku timi Taliyihii Ciidamada Wegner Group waxaa soo ifbaxaayay inay kala daateen oo tafaraaraqeen Ciidamadaas oo lagu yaqaaney Ciidamo adag oo calooshood u shaqeysteyaal ah ciidamadan ayaa jooga meelo badan oo Africa ah waxaana lagu bedeli doonaa ciidamo cusub oo ka hawl geli doona wadamo badan oo africa ah sida Burkino Faso ,Nayjer,Mali, Liibiya iyo kuwo kale .

Ciidamadan cusub oo dowlada Ruushku u daabuleyso Africa ayaa noqonaaya kuwo si toos ah ugu xidhan madaxweynaha Wadanka Ruushka Putin, sababta ciidamadan looga bedelay magaca iyo Qaab dhismeedkooda ayaa lagu tilmaami karaa inay ka horyimaadeen Amarada Madaxweyne Putin.

Dowlada Russia ayaa ku hawlan isbalaadhin Baaxad weyn oo ay ka wado wadamada Africa ee kheyraadka badan dhex ceegaago iyadoo kala wareegaysa wadamada Reer Galbeedka si ay u warshadeyso alaabada ceeriinka ah ee wadamadaas laga soo saaro sida Uranium ,Saliida ,Dheemanka iyo Waxyaabo kale oo u baahan in la warshadeeyo.https://www.voasomali.com/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *