Biden oo eedeeyay Russia

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shir Jaraaid ku qabtey Aqalka cad ee mareykanka ayaa sheegay inaan shaki ku jirin inuu Putin ku lug leeyahay Dhimasahada Hogaamiyaha Mucaaradka Ruushka Navalny , Haa dhamsahada Navalny waxaa ka danbeeyay Putin, kuma koobna keliya caalamka inuu kharbudo oo dhiig ka daadiyo sida wadamada ukrain oo kale laakiin Putin waxaa uu denbiyo ka geystaa Wadankiisa iyo Dadkiisa oo uu ku hayo dhibaatooyin fara badan.https://www.somalipen.com/

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu aad uga naxay wararka ka imaanaya Ruushka ee ku saabsan geerida Hogaamiyaha Mucaaradka Navalny, KADIB markii waaxda Xabsiyada Ruushka ay Soo Saaartey warka geerida Hogaamiyaha Mucaaardka Ruushka Navalny.

Hogaamiyaha Mucaaradka Ruushka Navalny ayaa ku laabtey Ruushka 2021 Kadib markii lagu daaweeyay Wadanka Jarmalka iyadoo lala tacaalayay mudo xanuun uu ka qaadey sunta loo yaqaano novicish oo ah sunta Neerfaha waxyeelaysa isla markaana waxaa loo isticmaali jirey in dadka lagu dilo waxaana isticmaali jirey Nidaamkii Midowgii Sovietiga

Navalny oo ahaa dada 47 jirka ayaa laf dhuungashey ku noqdey madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin , Navalny ayaa soo bandhigey Musuqa ka jira hayadaha Dowlada Ruushka ee ku dhowdhow Putin Taasi oo ugu danbeyn sababtey Naftiisa https://jowhar.com/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *