Israel oo wafdi u direysa Qatar

Golaha wasiirada Dagaalka Israil ka wado Qasa ayaa isku raacay in wafdi loo diro Wadanka Qatar si ay ula xaajoodaan Ururka Xamaas, Kadib heshiiskii xabad joojinta ee lagu soo gabagabeeyay Paris , Waxyaabaha Diirada la saarayo ayaa waxaa ugu muhiimsan Dhinaca Israil 130 qof oo Maxaabiis ah oo ku jira gacanta Xamaas kuwas oo lagu haysto Magaalada Qasa iyo Dhinaca Xamaas oo dalbaneysa in la sii daayo dad kor u dhaafaya 5000 qof oo falastiiniyiin ah.https://www.somalipen.com/

Xamaas ayaa Weerar xoog badan ku qaadey Magaalooyinka Israil Bishii Oktoobar 2023 Halkaas oo ay ku qafaalatey Dad badan oo u dhashey Israail, dadkaas qaybo ka mid ah waxaa la isku dhaafsadey Maxaabiis ka xidhneyd dhinaca Xamaas ,waxaana gacanta xamaas ku sii hadhey 130 qof .

Ciidamada Israaiil ee Cirka ,Badda iyo Lugta ayaa weeraro aar gudasho ah ku qaadey Magaalada Qasa ,waxaanay gudaha u galeen Qasa ,Dadka la diley eefalastiiniyiinta ah ayaa gaadhaya 30,000 qof oo falastiiniyiin ah waxaana laga soo sheegayaa Magaalada Qaza Dhibaatooyin badan oo bni aadamnimada ah inay soo foodsaareen sida daawo la,aan, Cunto la,aan iyo Hoy La,aan intaba Waxaana guryohoodii isaga cararaey Dad gaadhaya 1,500,000 oo falastiiniyiin ah .

Inkastoo la isku dayay in la xakameeyo Dagaalka ka socda Marinka Qasa ,hadana ma suurta gelin isku daygaasi oo waxaa hor istaagay Mareykanka iyo Israaiil oo iyagu aaminsan in Xamaas oo joogta Qasa aanay suurta gal aheyn in Dadka israaiil Ku seexdaan si Nbadagelyo ahhttps://www.voasomali.com/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *