U.S iyo Britain oo weerar ku qaadey Yemen

Isbahaysiga uu hogaamiyo mareykanka iyo Ingiriisku ayaa weeraro hor leh ku qaadey Maanta Xarumaha Ciidamada Xuutiyiintu leeyihiin ee Gudaha wadanka Yemen, Waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtey inay weeraro cusub ka fuliyeen Gudaha dalka Yemen Habenimadii Sabtida ,weerarkan ayaa waxaa ka qayb galey Raxan Diyaradaha Dagaalka UK ee lagu magacaabo Thayfoon waxaanay duqeynayeen Xarumaha Ciidanka Xuutiyiinta Yemen.

Ingiriiska ayaa sheegay in weeraradan looga gol leeyahay in lagu dhimo ama lagu naafeeyo Awooda Ciidamada Xuutiyiinta Yemen kuwaas oo weeraro isdaba joog ah ku qaadayay Maraakiibta mareysa gacan biyoodka Badda Cas ,halkaas oo waxyeelo badani ka soo gaadhey Maraakiibta u kala gooshaya Dunida ee adeegsada gacanka Baabal mandab. Wararka ayaa intaas ku daray in Isbahaysigu weeraray 18 Xarumood oo ku kala yaala 8 magaalo oo Gudaha Yemen ah,Xarumahaas ayaa lagu sheegay keydka Hubka iyo Gabaadyada Droneska ay Dhigtaan Ciidamada Xuutiyiinta.https://www.somalipen.com/

Xuutiyiinta Yemen oo gacanta ku haya badi dhulka yemen ayaa weeraro ku qaada Maraakiibta mareysa gacan biyoodka Badda Cas, isla markaana waxay beegsadaan maraakiibta u socota Israil , Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Dowlada Iiraan ayaa weeraro aargudasho ah ku qaadey maraakiibta u socota Israil mararka qaarna waxaabay beegsadan Magaalooyin ka mid ah Israail, Xuutiyiinta ayaa ujeedada ay u beegsadaan maraakiibta iyo Israaiilba waxay ku sheegeen Dagaalka ay israail ka wado Marinka Qasa.

Marin biyoodkan Badda Cas waxaa sanadkasta adeegsada maraakiibta aduunka 12% kuwas oo u kala goosha caalamka oo dhan waxana maraakiibtu ka leexdeen kadib markii Xuutiyiintu ku bilaabeen Gantaalo aan kala joogsanin ,Halkaasna waxaa Dhibaato ka soo gaadhey Badeecadaha loo wadey wadamada caalamka waxaana soo foodsaartey Aduunka Sixirka alaabada oo kor u kacey sababta Maraakiibta waxay ka soo wareegaan Wadooyin ka fog halkii ay adeegsan jireen taasi oo kharashaad badan iyo shidaal ku baxayso qaadista Badeecadaha kala duwan.https://www.bbc.com/somali/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *