Fadhigii Golaha Barlamanka JFS

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyay Heshiiskii dhowaan ay wada galeen dowladaha Turkiga iyo Soomaaaliya , Fadhiga Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa ahaa mid si weyn ay u soo xaadireen Dhamaan Mudanayaasha Aqalada hoose iyo Sare kuwaas oo u muuqdey inaanay ku kala qaybsamin Ajandaha laga Doodayay oo ahaa meel marinta Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya.https://www.somalipen.com/

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamoud ayaa qudbad dheer ka jeediayay fadhiga baarlamaanka ayaa cadeeyay inuu heshiiskani yahay mid lagu Difaacayo Badda Soomaaliya ,isla markaana loo baahan yahay in si degdeg ah loo meelmariyo ,madaxweynaha ayaa hadalkiisa laga dhadhansan karaa inuu jiro walaac laga qabo in Ethiopia Duulaan ku soo qaadi karto Dhulka Xeebaha Galbeed ee Soomaaliya.

Nuxurka Heshiiska ;

Dowlada Soomaaliya ayaa heshiis la gashey turkiga kaasi oo nuxurkiisu ahaa inuu Turkigu difaaco badda Soomaaliya oo aan laheyn ciidamo awood leh isla markaana ay ka dhacaan denbiyo kala duduwan sida Budhcad badeed, Tahriibinta dadka iyo Kaluumaysiga Sharci darada ah Heshiiskaas ayaa ah Mudo 10 sanadood ah inuu Turkiga difaaco Badda Soomaaliya kana Dhisan karo Saldhigyo Milatari.

Dowlada Ethiopia ayaa Mar sii horeysey waxay Heshiis isafgarad la gashey Somaliland Heshiiskaas oo dhigayay inay Ethiopia dhisato Saldhigyo Milatari oo Badeed ,Dekado ay ka dhisanayso Bdda Cas agagaarka Dhulxeebeedka Galbeed ee Saylac.

Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa isku maan dhafay Heshiiskaas ,waxaana ka dhex qarxay Khilaaf Xoogan kaasi oo Dowlada Soomaliya ka biyo Diidey in la fuliyo gebi ahaanba ,Labadan dowladood ayaa waxaa ka dhaxeysa Colaad Guun ah taasi oo sababtey inay dagaalamaan si toos ah waqtiyo badan waxaana laga cabsi qabaa inuu markale Dagaal ka qarxo Geeska Afrika kaasi oo markii horeba la ciirciirayay Colaado iyo Dagaalo sokeeye oo ka dhex jira labada wadan iyo shacbiyadooda ,lama garanaayo halka uu xaalku salka dhigi doono .

Ururka Midowga Afrika ayaa soo jeediyay inay labada Dhinacba isxakameeyaan isla markaana arimaha wadahadal lagu dhameeyo iyadoo laga warqabin in Dowladahani aqbali doonaan inay wada hadlaan.https://horseedmedia.net/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *