Waaxda Difaaca Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga dhexe iyo Badda cas ayaa soo saarey War sheegaya inay Burburiyeen Diyaarado Drones ah iyo Gantaalo meelaha fog wax lagaga liishaamo oo ay lahaayeen Xuutiyiinta Yemen.

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa cadeeyay in Labadii maalmood ee la soo dhaafay ay burburiyeen Gantaalo yaaley Gudaha Yemen kuwaasi oo waxyeelo badan loogu gaystey Maraakiibta Badeecadaha sida ee mareysa Marin Biyoodka Baabal mandab ee Badda cas Wararka ayaa intaas ku daraaya inay Ciidamada Mareykanku ku guuleysteen inay Burburiyaan Diyaarado yaryar oo drones ah oo weerar ku ahaa Markab ganacsi oo marayay Marinka Biyoodka Badda Cas ee Baabal Mandab Ma jiro wax faahfaahin ah ah oo dheerad ah ama ilo madax banaan oo ka hadlaya wararkan cusub.

Ciidamada Xuutiyiinta oo ay garab siiso Dowlada Iiraan ayaa weeraro Fara badan ku haya Maraakiibta mareysa Badda cas waxaana weeraradaasi gaadhsiiyeen Maraakiibta inay isaga cararaan Marinkaas Badda cas iyagoo ka cabsi qaba inay Gantaalo ku dhuftaan Ciidamada Xuutiyiintu.https://jowhar.com/

Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar Maraakiibta mareysa Marinka Bada cas iyagoo sababta ku sheeegay inay uga aargudayaan Dagaalka ay israil ku hayso Falastiiniyiinta Marinaka Qasa ,waxaanay sheegaan inaanay joojin doonin ilaa israil joojiso Dagaalka Marinka Qasa .https://www.somalipen.com/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *