Trump oo ku guuleystey South corolina

Madaxweynihii hore ee mareykanka Donald Trump ayaa galabta gaadhey Guul taariikhi ah oo aheyd doorashooyinka isreebreebka Gobolada mareykanka ee Xisbiga Jamhuuriga Dhexdiisa, Trump ayaa kabaha la dulmarey Gabadha la ytidhaa Nikki Heley oo mar la soo shaqeysey Trump waqtigii uu ahaa madaxweynaha Mareykanka.https://www.somalipen.com/

Trump ayaa hadley kadib Guushiisa Taariikhiga ah ee Gobolka South Corolina waxaanu sheegay inay aheyd lama filaan sida weyn ee uu u guuleystey, isla markaana uu ku rajo weyn yahay inuu ku soo bixi doono Doorashada la sugaayo ee wadanka mareykanka ee dhici doonta November 2024.

Gabadha Nikki Heley oo ka hadleysey meel fagaare ah kadib Guuldaradii kaga dhacdey Gobolka South Corolina ayaa sheegtey inaanu Trump u babac dhigi karin Joe Biden Doorashada soo socota ,Hadalkeeda ayaa ku soo beegmay xilli ay guuldaro kala kulantey Gobolkeedii oo ah halkii ay kasoo jeeday.https://www.bbc.com/somali/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *